| Siraaji Sheekh isaaq oo ah xogahayaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay isu soo gurmadaan xilli intabadan xaalad adag ay ku noolyihiin dadka ka cararay dagaalada ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Xogahayaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo u waramay idaacadda Al-furqaan ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday ganacsatada soomaaliyeed iyo jaaliyadaha ku nool dalka dibadiisa in ay gar gaaraan la soo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada lagu barakacay.
Waxaana uu sheegay in taasi ay keeni karto in dadka soomaalida ay isku tiirsanaadaan islamarkaana ay ka kaaftoomaan deeqaha ay ka sugaan dowladaha reer galbeedka ah sida uu hadalka u dhigay.
Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa marar badan ku celiyay baaqyada ay u jeedinayaan shacabka soomaalid aah kuwooda hantida heysta in ay gargaaraan kooda faqiirka ah.
Baaqan ka soo yeeray odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa imaanaya xilli Hey’adda WFP iyo hey’da kale laga mamnuucay in ay ka howlgalaan gudaha dalka Soomaaliya |